Home » » WARBIXIN: Macalin Mourinho Muxuu Ka Yiri Hadii Uu Waayo Helista Adeega Pogba????

WARBIXIN: Macalin Mourinho Muxuu Ka Yiri Hadii Uu Waayo Helista Adeega Pogba????

Macalinka kooxda Man United Jose Mourinho wuxuu ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan hal cayaaryahan
waqtigeeda oo dhan galin doonin.


Man United waxaa siweyn loola xariirinaa inay Paul Pogba ku qaadan doonto lacagihii ugu badnaa ee ebid cayaaryahan lagu iibsado.
Hadana macalin Mourinho sheekadan wax walaac ah kuma heyso xitaa Man United saxiixa Pogba dhameestiri weyso.
Wuxuuna Mourinho yiri “Afar cayaryahan ayaa hadafkeena ahaa inaan lasoo saxiixano, sedex ka mid ah waan helnay, halka midka afaraadna aan heli rabno”
“Waxaan sameenay qorshe ah inaan helno cayaartooyda kooxdeena wax kusoo kordhin karaan sidoo kalena in badan la qabsan karaan falsafadeyda cayaareed”
“Qof walbo hal cayaaryahan ayuu ka hadlaa, laakiin aniga yaab iguma noqon doonto hadii cayaaryahankaas uusan noqonin midka dadka hadal hayaan, xitaa mid kale ayuu noqon karaa oo ku haboon qorshaheyga”
“Labo dooq ayaa ina hor yaalaan waxaana dhameestiri doonaa labada dooq mid ka mid ah”
Mourinho oo si gaar ah arinka Pogba uga hadlaayay wuxuu yiri “Waan ognahay cayaarahanka koox ayuu ka tirsan yahay mana ahan koox yar, waana koox weyn oo awood dhaqaale leh sidoo kalena dooneyso inay ceshato xidigaheeda kuwa ugu wanaagsan”
“Marka laga soo tago midaas sidoo kale kooxo kale ayaa ku raad joogaan saxiixiisa, waxaan dooneynaa inaan loolanka ku guuleesano ama ku guul dareesano, tartan ma ahan ee waa suuq”
“Xaalada aan ku suganahay waa mid aan ku qanacsanahay waayo hal cayaaryahan oo kaliya diirada ma saareyno kuwo kalena oo dooqeena ah ayaan isha ku heynaa’
Share this article :

0 comments:

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Maskolis | Johny Portal | Johny Magazine | Johny News | Johny Demosite
Copyright © 2011. Welcome Manchester United Funs - All Rights Reserved
Template Modify by Creating Website Inspired Wordpress Hack
Proudly powered by Blogger